Bruno Fernandes oo fariin u diray ciyaartoyda Man United kaddib guushii ay ka gaareen Crystal Palace

0
183
MANCHESTER, ENGLAND - FEBRUARY 01: Bruno Fernandes of Manchester United in action during the Premier League match between Manchester United and Wolverhampton Wanderers at Old Trafford on February 01, 2020 in Manchester, United Kingdom. (Photo by Alex Livesey/Getty Images)

Baladweyne (Radio Beerlula)- Bruno Fernandes yaa fariin u diray ciyaartoyda Manchester United kaddib guushii ay maanta kaga gaareen Crystal Palace garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaa 1-0 guul kaga gaartay kooxda Crystal Palace oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca 16-aad ee horyaalka Premier League.

Shabakada caalamiga ah ee BBC ayaa waxay shaaca ka qaaday fariin uu Bruno Fernandes ciyaartoyda Man United kaddib guushii Crystal Palace, wuxuuna yiri:

“Waa inaan sii wadnaa wixii aan sameynay kulankii ugu dambeeyay ee aan la ciyaarnay Arsenal.”

“Waan ku faraxsanahay inaan helnay seddexda dhibcood, natiijada waxay noqon laheyd mid ka sii wanaagsan.”

“Fred wuxuu leeyahay waqtiyadan, hal sano ayuu qaataa, qof kastaa wuu ku faraxsan yahay isaga, sababtoo ah waa nin wanaagsan, wax badan ayuu shaqeeyaa, dadku kama hadlaan isaga, wuxuu mudan yahay in lagu ammaano.”

“Mararka qaar waa inaad cadaadis badan saartaa, mararka qaarna wax yar, laakiin qof walba wuu ogyahay in tababaruhu uu doonayo inaan cadaadis badan saarno.”

“Waa inaan raacnaa tilmaamaha tababaraha cusub, hadda waxaan mar kale aadeynaa Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here