Bruno Fernandes oo ka warbixiyay dhibaatadii ugu weyn oo ay Man United la kulantay kulankii Istanbul Basaksehir

0
254

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa qirtay in United ay sameysay wax walba oo qalad ah kulankii Istanbul Basaksehir ee Istanbul ee tartanka Champions League.

Manchester United ayaa guuldarro kala soo kulantay kooxda Istanbul Basaksehir oo ay booqatay, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada saddexaad wareega Group-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2020/21.

Manchester United ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah kullankeedii ugu xumaa xilli ciyaareedkan, ciyaartii ay xalay ku booqatay Istanbul Basaksehir garoonkeeda Başakşehir Fatih Terim Stadium.

Haddaba Bruno Fernandes ayaa wareysi uu bixiyay kaddib ciyaarta wuxuu ku sheegay inay sameeyeen wax walba oo qalad ah, wuxuuna yiri:

“Wax walba si qaldan ayeey ku socdeen, wax walba waxaan ku sameynay qalad”.

“Ciyaarta kuma bilaaban qaab adag, waxayna ku guuleysteen inay xilli hore dhaliyaan goolkooda, kaddibna ciyaarta ayaa nagu adkaatay”.

“Waxaana isku daynay ilaa dhamaadka, laakiin dhibaatadu waxay ahayd waxaan u maleynayaa inaan ku buraargnay jawiga ciyaarta xilli dambe”.

“Qof walba wuxuu dareemay inaan waxbadan qaban karno, laakiin hada waa inaan eegno qaladaadka ay sameeyeen kooxda si aan u fiicnaano kulanka soo socda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here