Bukayo Saka Oo Qirtay Inuu Arsenal Ka Caawiyey Saxeexa Declan Rice – Muxuu Sameeyey?

0
70

Baladwayne (  Radio Beerlula )-Xiddiga da’da yar ee Arsenal ee Bukayo Saka ayaa markii ugu horreysay shaaciyey doorkii uu ka qaatay in Declan Rice uu yimaaddo Gunners xagaagii, kaddib wada-hadallo uu la yeeshey laacibkan oo uu ka dhaadhiciyey inay ku midoobaan Emirates Stadium.

Rice ayay Arsenal kaga soo iibsatay £105 milyan oo Gini, waxaana uu noqday xiddigii ugu qaalisanaa taariikhda kooxdiisa, isaga oo si degdeg ah ula qabsaday Gunners oo gool xasuusta u galayna uu ka dhaliyey Manchester United Axaddii.

Bukayo Saka oo ay xulka qaranka England u wada ciyaaraan ayaa waxa uu ka sheekeeyey doorkii uu ka qaatay in Arsenal la saxeexato Rice, waxaana uu yidhi: “Dabcan waxa uu i weydiiyey su’aalo kooban, aniguna waan uga jawaabay. Laakiin haa, waxa aan isku dayay in aan xaqiijiyo sidii uu ku iman lahaa kooxda ugu habboon ee aanu mustaqbalka si qurux badan ugu wada farxi lahayn.

“Haddii uu nagu soo buiiray, wuu na wanaajiyey waxaananu noqonay koox fiican oo guulo gaadhi karta.”

Bukayo Saka oo la weydiiyey sida uu Rice ula qabsaday Arsenal, waxa uu ku jawaabay: “Waxay u ahayd waqti aan la rumaysan karin isaga iyo qyskiisa. Xataa garoonka ayaa waalli ahaa markii uu soo galay. Waa ciyaartoygii nagu habboonaa oo si heersare ah u dheela.

“Anigu waan ku faraxsanahay inuu faraxsan yahay oo uu si fiican u ciyaarayo, iyo inuu sidoo kale dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey. Uma malaynayo inay jirto waqti uga wanaagsanaa isaga markii uu goolka dhaliyey. Haa, aniguna waan ku farxay.”