Baladweyne (Radio Beerlula)- Deegaanka Balli-howd oo hoosyimaada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa xiligan waxaa ka jira baahi dhanka adeegyada waxbarashada ah sida dayactirka iskuulka deegaankaasi oo horay ay si isku tashi ah u dhisteen bulshada iyo sidii loo heli lahaa macalimiin ardayda waxbara.
Axmed Mire Salad iyo Cabdi Sahal oo ka mid odayaasha deeganka Balli-howd ayaa wasaarada waxbarashada XFS iyo midda Galmudug ugu baaqay inay ka taageeraan Hormarinta waxbarashada deegaanka.
Warbixintanw waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim