Burcad aad loo raadinayey oo u dhashay Israa’iil oo lagu qabtay koonfur Afrika

0
8

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ciidamada booliska koonfur Afrika ayaa xiray nin baxsad ahaa oo u dhashay dalka Israa’iil oo ay ku tilmaameen hoggaamiyihii burcad ee loogu raadinta badnaa ee Israa’iil.

Ninkan ayaa lagu qabtay duleedka magaaladaJohannesburg isaga oo ay la jiraan toddoba kale xilli ay subaxnimadii ciidamadu howlgal qaadeen sida lagu sheegay war boliisku soo saaray.

Ninkan oo 48 jir ah ayaa la rumeysan yahay in uu xiriir la leeyahay urur dambiileyaal ah .

Kooxdaas Burcadda ah ayaa ku lug leh kala gudbinta daroogada, baad iyo howlo kale oo dambiilenimo.

Hoggaamiyahan laga shakisan yahay ayaa ku jiray liiska hay’adda boliiska caalamiga ah ee Interpol tan iyo sanadkii 2015.