Buundada degmada Buula burde oo xariga laga jaray kadib dib u dayactir lagu sameeyay

0
175

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha rugta ganacsiga degmada Buula burde Faarax Garaad Macalin iyo guddoomiyaha Magaalada Buula burde Maxamed Cabdi Xassan ayaa si wada jir ah xariga uga jaray buundada degmada Buula burde oo dib dayactir lagu sameeyay.

Dib dayactirkan lagu sameyay qeyb ka mid ah buundada oo burbur xoogan uu soo gaaray ayaa waxaa iska kaashaday ganacsatada degmada Buula burde iyo bulshada deegaanka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.