Buundo cusub oo laga hirgeliyay wadada Buulo-xuubey ee Degmada Wadajir.

0
238

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyay wadada Buulo-xuubey ee Degmada Wadajir.

waxa ka qeyb galay madasha xarig jarka Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), xoghaya guud ee maamulka gobolka Banaadir mudane Faysal Caraalle Afrax iyo Bulshada qeybaheeda kala duan.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdulaahi.