Baladweyne ( Radio Beerlula )-Cilmi baadhisyo lagu sameeyey Bunka ayaa daaha ka qaaday in cabista bunka ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo badan, sida kordhinta tamarta maskaxda, xoojinta xusuusta, iyo yareynta khataraha cudurrada beerka, kansarka, iyo wadne xanuunka.
Bunka sidoo kale wuxuu xoojiyay awooda difaaca jidhka, wuuxuuna wanaajiyaa dabeecadda iyo firfircoonida qofka, wuxuuna yareeyaa khatarta macaanka noociisa labaad.
Daraasad cilmi-baadhis oo la sameeyey 2015, oo ay sameysay Ding et al., ayaa xustay in cabitaanka 3 ilaa 5 koob oo bun ah maalintii ay hoos u dhigto 15% khatarta cudurka wadnaha marka loo eego kuwa aan cabin.
Caffeine-ka ku jirta bunka ayaa gacan ka geysata dheefshiidka, waxayna ka hortagtaa cudurka Parkinson’s iyo Alzheimer, sidoo kale wuxuu hoos u dhigaa halista faaliga. Si kastaba ha ahaatee, cabista bunka oo xad-dhaaf ah waxay keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad sida garaaca wadnaha oo kordha, dhibaatooyin hurdada, iyo xaalado nafsadeed oo xun.
Khubarada caafimaadku waxay ku talinayaan in aan la cabbin in ka badan 3 koob oo bun ah maalintii, iyadoo aan loo baahnayn in Caffeine-ga jidhka uu ka badnaado 400 mg maalintii.
Bunka waxaa lagu tiriyaa cabitaanka saddexaad ee ugu caan san adduunka, taariikhdiisuna waxay dib ugu noqonaysaa oo uu asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya.