Baladweyne(Radio Beerlula)- Mareykanka ayaa qeylo dhaan kasoo saaray dhibaato dunida kasoo wajihi karta tijaabo ay ciidamada cirka ee dalka Hindiya ka sameeyeen hawada sare.
Ku simaha wasiirka difaacada ee Mareykanka ayaa ka digay dhibaato ka dhalan karta tijaabadii ay Hindiya ku sameysay hubka lidka ku ah qalabka satellite-ka, kaasoo ay Arbacadii ku burburisay mid ka mid ah satellite-yadeeda.
Patrick Shanahan ayaa sheegay in Mareykanku ay wali daraaseynayaan cawaaqibka ka dhalan kara tijaabadaas, halka xukuumadda Delhi ay ku adkeysatay in howlgalkeeda uusan halis abuureynin.