Cabsi soo wajahday muhaajiriinta Mareykanka kadib doorashadii Trump.

0
34

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ajandihiisa ololaha doorashada waxaa ugu weynaa arrinta socdaalka, isaga oo ballan qaaday in uu soo rogi doono wax uu ugu yeeray “amar aan horey loo arag” oo dhinaca xudduudda koonfureed ee dalkan ah.

Trump ayaa sheegay in uu billaabi doono hawl-galkii ugu ballaarnaa oo dadka soo galootiga ah ee aan sharciga lahayn lagu masaafurinayo maalintiisa ugu horreysa ee uu xafiiska fariisto.
Arintan ayaa walaac ku abuurtay dadka soo galootiga ee ku sugan dalka Mareykanka kuwaasoo ka cabsi qaba in loo masaafuriyo dalalkoodii.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa xilka la wareegi doona 20-ka bisha Janaayo ee sannadka 2025-ka, waxana muddo laba bilood ee ka dhiman xilka sii heyn doona Joe Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here