Campbell oo shaaca ka qaaday sababta uu Gabriel Jesus u doonayo inuu ku biiro Arsenal

0
136

Baladweyne (Radio Beerlula)- Halyeeyga kooxda Arsenal ee Kevin Campbell ayaa shaaca ka qaaday sababta uu weeraryahanka Manchester City ee Gabriel Jesus u doonayo inuu ku biiro Gunners.

25 jirkaan ayaa qandaraas kula jira Man City ilaa June 2023, waxaana lala xiriiriyay Arsenal, Tottenham Hotspur, Chelsea iyo Real Madrid, gaar ahaan ka dib markii City ay la soo wareegtay xiddiga heerka caalami ee dalka Norway ee Erling Haaland, kaasoo kaga soo biiray Borussia Dortmund.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Kevin Campbell ayaa wareysi uu bixiyay, wuxuu ku sheegay:

“Gabriel Jesus waa da’ayar, jir ahaan taam ah, waana ciyaaryahan Brazilian ah.”

“Waxaad dhihi kartaa waa weeraryahan heer caalami ah, wuxuuna inta badan u ciyaaraa Brazil.”

 

“Gabriel waa weeraryahanka ugu fiican ee cadaadiya daafacyada, tani waa waxa Mikel Arteta u baahan yahay, waana mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan u baahanahay.”

“Jesus wuxuu rabaa inuu yimaado Arsenal, sababtoo ah wuu garanayaa tababaraha, wuu yaqaan nidaamka, wuxuuna doonayaa inuu noqdo ciyaaryahanka ugu muhiimsan, taas oo ah waxa ugu muhiimsan.”

Weeraryahanka reer Brazil ayaa ka qeyb galay 41 kulan oo kooxda Man City ah, xilli ciyaareedkii hore tartamada oo dhan, wuxuu dhaliyay 13 gool, isagoo caawiyay 12 gool kale.