Canada oo canshuur kordhin aargoosi ah ku soo rogtay Mareykanka

0
177

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Canada ayaa canshuur kordhin aargoosi ah ku soo rogtay badeecadaha laga keeno dalka Mareykanka kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu canshuur kordhin ku soo rogay Shiinaha, Canada iyo Mexico.

Canshuur kordhintan la saaray badeecaha laga keeno Shiinaha, Mexico iyo Canada ayaa ka dhaqan gashay dalka Mareykanka sabtidii la soo dhaafay.

 

Canada ayaa Axaddii shalay iyaguna ku dhawaaqay in si aargoosi ah ay 25% u saareen badeecadaha uu Mareykanka geeyo dalalkooda.

 

Canada waxay sheegtay in Talaadada beri ah ay dhaqan geli doonto canshuur kordhinta koowaad oo ay sheegtay in ay saartay cabitaannada, alaabaha la isku qurxiyo, iyo warqadaha, Badeecadahaasi ayaa waxaa ku kacaya lacag dhan 20 bilyan oo dollar.

 

Wajiga labaad ayay sheegtay in ay saari doonto alaabo kale oo uu Mareykanka Canada u iib geeyo oo ay ku jiraan baabuurta yar yar, kuwa xammuulka, biraha iyo jaandiga, khudaarta iyo hilibka xoolaha iyo kuwa doofaarka.

Badeecadahaasi ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 85 bilyan oo dollar sannadkiiba.

Dowladda Mexico ayaa ilaa iyo hadda sheegtay kaliya in ay ku soo rogi doonto Mareykanka canshuuro aargoosi ah, iyada oo aan faah-faahin qiimaha iyo badeecadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here