Canada oo dibadda ka keeneysa xirfadleyaal caafimaad iyo farsamayaqaano.

0
104

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Canada ayaa sheegtay inay dalkeeda keeni doonto xirfadlayaal buuxiya shaqooyinka bannaan.

Shaqaalahan dowladda Canada ay ka keeneyso dalka dibadiisa ayaa iskugu jira farsamyaqaano iyo kuwa daryeelka caafimaadka.

Wasiirka socdaalka, jinsiyaddaha iyo arrimaha qaxootiga Canada ayaa sheegay in shaqaalaha ay buuxin doonaan shaqooyinka ka banaan shirkadaha iyo hay’addaha kale ee dowladda.

Balse dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in dad badan oo dalkaasi lagu geeyay qaab qaxootinnimo ay caqabad kala kulmaan helista shaqooyin wanaagsan.