Canada oo xayiraad ku soo rogtay duulimaadyadii ka imaan jiray koonfur Afrika.

0
162

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waddanka Canada ayaa ka mid noqotay dalalka xayiraadda kusoo rogay dhowr dal oo Afrikaan ah oo uu ugu horreeyo dalka South Africa, kadib markii uu ka dillaacay nooc cusub oo xanuunka Covid19.

Masuuliyiinta Canada ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu badbaadinayo bulshada.

Walaaca laga qabo in mar kale dunidu dib ugu noqoto xayiraadihii kahortagga xanuunkan ayaa isa soo taraya.

Ku dhawaad laba sano ayaa laga joogaa markii uu biloowday cudurka faafa ee COVID-19 ee galaafatay nolosha in ka badan 5 milyan oo qof oo ku kala nool daafaha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here