Canada oo yeelatay ra’iisal wasaare cusub.

0
97

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mark Carney ayaa noqon doona ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Canada kadib markii uu ku guuleystay tartanka hoggaanka xisbiga Liberal-ka.

Carney, oo horey u ahaa guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Canada iyo Bangiga England, ayaa la wareegaya xilka xilli Canada ay la tacaalayso dagaal ganacsi oo halis ah oo uu Maraykanku ku soo rogay.

Carney ayaa helay 85.9% codadka, isagoo ka adkaaday Chrystia Freeland, Karina Gould, iyo Frank Baylis. Waxa uunna noqonayaa ra’iisul wasaarihii labaad ee taariikhda Canada oo aan kursi ka heysan baarlamaanka, taasoo la micno ah inuu si degdeg ah uga qeyb galo doorasho si uu xubin uga noqdo baarlamaanka.

Isbeddelka siyaasadeed ee Canada ayaa si lama filaan ah u rogay saadaasha doorashada, iyadoo xisbiga Liberalku uu ka soo kabanayo hoos u dhicii uu ku jiray, taasoo sii adkaynaysa in xisbiga Conservative uu aqlabiyad buuxda ku guuleysto doorashada soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here