Caqabad dhaqaale oo soo food saartay shirkadda Apple.

0
54

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa canshuuro isdaba joog ah ku soo rogay waddamada adduunka, kuwaas oo si weyn wax uga beddeli kara hannaanka ganacsiga adduunka.

Badeecadaha macaamiisha sida iPhone-yada ayaa noqon kara kuwa uu soo gaaro saameynta ugu badan, sida ay falanqeeyayaasha sheegeen khamiisti, taas oo kordhi karta ilaa 30% ilaa 40%, haddii shirkaddu ay toos ugu iibineyso macaamiisha.

Inta badan iPhone-nada ayaa wali lagu sameeyaa Shiinaha, dalkaas oo lagu soo rogay canshuur 54% ah.

Saamiyada shirkadu waxay hoos ugu dhacday 9.3% Khamiista, taas oo ah hoos u dhicii ugu weynaa tan iyo bishii March 2020-kii.

Apple waxay iibisaa in ka badan 220 milyan oo iPhones ah sannadkii, suuqyadeeda ugu waaweynna waxaa ka mid ah Maraykanka, Shiinaha iyo Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here