Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa si adag u beeniyay wararka la isla dhexmarayo suuqa ee sheegaya inuu ka tegayo kooxda xilli ciyaareedka soo socda. Macallinka reer Talyaani ayaa xaqiijiyay in isaga iyo Real Madrid ay doonayaan inay wada shaqeeyaan muddo dheer.
“Sheekooyinka igu saabsan inaan baxayo waa BEEN. Aniga iyo kooxda waxaan dooneynaa inaan sii wada joogno inta ugu macquulsan,” ayuu yiri Ancelotti mar uu la hadlayay warbaahinta.
Macallinka waaya-aragga ah ayaa sidoo kale muujiyay kalsoonida uu ka heysto maamulka Real Madrid iyo sida ay u rumeysan yihiin hoggaamintiisa:
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli marar badan la hadal hayay mustaqbalkiisa, iyadoo warar hore ay la xiriirinayeen xulka qaranka Brazil. Si kastaba ha ahaatee, Ancelotti ayaa markale muujiyay inuu go’aan adag ku gaaray sii joogista Santiago Bernabéu, halkaas oo uu rajo weyn ka qabo inuu sii wado guulaha uu la gaarayo Los Blancos.
Taageerayaasha Madrid ayaa si weyn u soo dhoweeyay warka uu bixiyay macallinkooda, maadaama Ancelotti uu horey kooxda ugu hogaamiyay Champions League, La Liga iyo koobab kale oo muhiim ah.


