Carlo Ancelotti OO Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Oo Xiddig Muhiim U Ah Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Man City.

0
85
BARCELONA, SPAIN - OCTOBER 24: David Alaba of Real Madrid CF celebrates after scoring his team's first goal during the La Liga Santander match between FC Barcelona and Real Madrid CF at Camp Nou on October 24, 2021 in Barcelona, Spain. (Photo by David Ramos/Getty Images)

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa soo bandhigay war cusub oo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan xaalada Eduardo Camavinga ka dib markii uu xiddiga reer France ku dhaawacmay kulankii sabtida ee ay guusha ka gaadheen Getafe.

20-sano jirkaan ayaa ka mid ahaa seddexda ciyaaryahan ee Los Blancos sii ilaashaday booskooda kulankii champions League ee ay la ciyaareen man City Iyada oo ay labada xiddig ee kale ahaayeen Thibaut Courtois iyo Federico Valverde.

Laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa ciyaarta dhaawac uga baxay waxana la arkay iyada oo baraf lugta laga saarayo taas oo wal-wal ku abuurtay taageerayaasha Real Madrid.

Xiddiga oo daafaca Bidix ka ciyaaray kulankii Man City ee champions League ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican Real Madrid kulankaas.

Si kastaba ha ahaatee, Ancelotti ayaa ciyaarta ka dib xaqiijiyay in Camavinga uu kaliya jug yar ka soo gaaray jilibka, waxaana uu rajeynayaa in xiddiga taam u noqdo kulanka Man City.

“Kaliya waa jug, dhaqso ayuuna u soo kabsan doonaa, qof walba waa inuu diyaar u yahay inuu wajaho Manchester City, Camavinga jug ayuu qabaa, laakiin waa inuu fiicnaadaa” ayuu yiri Ancelotti.

“Haa,Dhaawac yar ayaa soo gaadhay dhinaca jilibka laakiin ma ahan wax weyn, wuu nasan doonaa kadib waxa uu ciyaari doonaa kulanka City”ayuu sii raaciyay.