Caruur u soo ritay cudurka shuban biyoodka oo la dhigay magaalada dhoobley.

0
180

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ugu yaraan 15 ruux oo uu soo ritay cudurka shubanbiyoodka ayaa la dhigay Isbitaalka guud ee degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose kadib markii cudurkan uu ka dilaacay qeybo kamid ah gobolkaasi

Isku duwaha wasaarada caafimaadka ee degmada Dhoobleey Nuur Biixi Cabdi oo warbaahinta la hadalay ayaa sheegay in hal ruux uu cudurkan u geeriyooday halka 15 kale uu soo ritay.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.