Caruurta barakacayasha Baladweyne oo wajahaya waxbarasho la’aan.

0
130

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Inkastoo iskuullo badan oo si lacag la’aan ah wax looga barto ay ku yaalan magaalada Baladweyne ayaa hadda waxaa jira baahiyo dhanka waxbarashadda oo heysata caruurta degan kaamanka barakacayasha, kuwaasoo waalidiintooda qaarkood aysan ku baraagugsaneyn iskuullada lacag la’aanta ah halka kuwa kalana ay ka fog yihiin goobaha ay degan yihiin.

Walidiinta dhalay caruurtan ayaa qaba in hadii kaamankooda laga furo goobo waxbarasho ay wax baran lahayeen caruurtooda balse hadda goobaha waxbarasho oo ka fog aysan wax u baran Karin.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here