Caruus xafladdii arooskiisa ku dhax dilay caruusaddii iyo qoyskiisa qaar ka mid ah

0
98

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Oradyahan u dhashay Thailand sidoo kalena ahaa askari hore ayaa toogtay xaaskiisa iyo saddex qof oo kale ka hor inta uusan isagu isdilin maalintii arooskiisa.

Chaturong Suksuk oo 29 jir ah iyo Kanchana Pachunthuek oo 44 jir ah ayaa maalintii Sabtidii isku guursaday waqooyi bari dalka Thailand.

Wararka ayaa sheegaya in ninka oradyahanka ah maalintii arooskiisa uu si lama filaan ah uga soo baxay xafladdii arooska, waxaana uu dib ula soo laabtay qori, isaga oo toogtay caruusaddii uu aroosayay, hooyadeed oo 62 jir ahay iyo walaashiis oo 38 jir ahayd.

Rasaasta ayaa sidoo kale haleeshay laba qof oo ka mid ah marti ah arooska kasoo qeyb galay.

Booliska ayaa sheegay in caruuska is dilay uu cabsanaa markii uu dilka gaysanayay,waxaana uu iibsaday qoriga iyo rasaasta si sharci ah sanadkii hore.

Warbaahinta Thailand, oo soo xiganaysa qaar ka mid ah martidii xafladda ku sugnaa ayaa sheegay in lammaanaha uu muran dhex maray intii ay socotay xafladda, ayada oo ninka uu ka xumaaday in ay aad ugu weyn tahay caruusadda uu guursanayo.