Casemiro Iyo Raphael Varane Oo Shandaddooda Ka Xidh-xidhanaya Manchester United – Halkee Ayey Tegayaan?

0
84

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Difaaca reer France ee Raphael Varane ayaa la sheegay in uu doonayo inuu iskaga tago Manchester United oo uu ka dego horyaalka waddanka Sucuudiga, halkaas oo uu qorshihiisu yahay in uu kula midoobo saaxiibkiisii hore ee Real Madrid iyo Man United ee Cristiano Ronaldo.

Raphael Varane ayaa la sheegay in ay xidhiidh yeesheen masuuliyiin ka tirsan kooxda Al-Nassr xagaagii, waxaana loosoo bandhigay qorshe uu laacibkani ku tegayo Riyadh, taas oo sidoo kalena la wariyey in ay doonayso in ay la saxeexato kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Casemiro.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa waxay sheegtay, in Varane ay u badan tahay in uu ka tegi doono Old Trafford marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga isaga oo ku jira sannadkiisii saddexaad ee Manchester United oo uu 2021 kaga soo biiray Real Madrid.

Varane ayaa 72 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah u saftay Manchester United, waxaana uu u dhaliyey laba gool isaga oo kula guuleystay Carabao Cup, hase yeeshee waqtiyo badan ayuu ku maqnaaday dhaawacyo.

Dhinaca kale, kooxaha horyaalka waddanka Sucuudiga ayaa waxa ay doonayaan Casemiro oo xilli-ciyaareedkiisii labaad ku qaadanaya Old Traford oo xagaagii sannadkii hore uu kaga soo biiray Real Madrid.

30 jirkan ayaa waxa isagana doonaysa Al-Nassr, hase yeeshee waxa sidoo kale uu diiradda u saaran yahay naadiga Al-Ittihad oo xagaagii horena isku dayday inay la saxeexato.