Casemiro Oo Sharraxay Sababtii Dhabta Ahayd Ee Uu Uga Tegay Real Madrid & Doorashadiisii Manchester United

0
87

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga reer Brazl ee Carlos Henrique Casemiro ayaa daboolka ka qaaday sababtii rasmiga ahayd ee uu uga tegay kooxdiisii hore ee Real Madrid sannadki hore ee uu ugu wareegay Manchester United oo waliba waqtigaas xataa aan kasoo qayb-gelayn tartanka Champions League oo ku koobnayd Europa League iyo tartamada mxalliga ah.

Casemiro oo 18 koob kula guuleystay Real Madrid ayaa waxa uu ka dalbaday kooxdiisa inay iibiyaan isaga oo waliba dhawr sannadood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa, taas oo ay Los Blancos na ogolaatay.

31 jirkan ayay Manchester United ka bixisay 70 milyan oo Gini, waxaanay Real Madrid beddelkiisa usoo iibsatay Aurelien Tchouameni oo ay 80 milyan oo Euro kaga soo qaateen AS Monaco.

Casemiro oo ay warbaahintu weydiisay sababta uu uga tegay Real Madrid oo laga  jeclaa ee uu ugu wareegay Manchester United ayaa ku jawaabay: “Haddii ay ahaan lahayd laba ama saddex sannadood ka hor, kama aanan tageen Real Madrid oo ma aadeen koox kale oo weyn, iguma jirin damac ah iyo doonis ah in aan beddelo horyaalka oo aan tago koox kale oo weyn.

“Real Madrid waxay ahayd fursaddayda ugu sarraysa ee aan haystay, laakiin si aan usii wato hammuuntayda guulaha oo aan meel kale u tago, ayaan u doortay inaan isbeddel sameeyo, iyaguna way ii ogolaadeen fursaddaas.”

Si kastaba, Casemiro ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkiisii koowaad u saaftay Manchester United 51 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey toddoba gool, lix kalena ka  caawiyey, waxaana uu sabab ugu noqday inay ku guuleystaan Carabao Cup, sidoo kalena kaalinta saddexaad ka galaan horyaalka Premier League.