“Casemiro wuxuu runtii ku raaxaysan doonaa kubadda cagta Ingiriiska” – Raphaël Varane

0
163

Baladweyne (Radio Beerlula)-Daafaca Manchester United Raphaël Varane ayaa sheegay in xiddiga reer Brazil ee Casemiro isla markaana ah heshiiska cusub ee Red Devils uu keeni doono dheeli tirka kooxda ay u baahan tahay,isagoo xusay in xiddigii hore ee Real Madrid uu ku raaxaysan doono ka ciyaarista horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa si rasmi ah xagaagan Casemiro ugala soo wareegtay Real Madrid adduun dhan 70 million pounds, wuxuuna ahaa heshiiskii afraad ee xagaagan Red Devils.

Casemiro ayaa tarabuunka ka daawaday ciyaartii ay xalay Manchester United kula ciyaartay Liverpool horyaalka Premier League, wuxuuna marqaati ka ahaa guushii ay Red Devils 2-1 kaga gaartay Reds.

Sida laga soo xigtay shbakada caalamiga ah ee Goal, Raphaël Varane ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Waan garanayaa tayada Casemiro gabi ahaanba, wuxuu sameyn karaa dheeli rirka kooxdan, Manchester United-na waxay ka faa’iidaysan doontaa maskaxdiisa guuleed.”

“Waa dagaalyahan, sidaas darteed waxaan qabaa in Casemiro uu runtii ku raaxeysan doono ka ciyaarista Premier League, taas waan hubaa.”