Cayilka oo ku sii kordhaya Afrika.

0
83

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiriirka Caalamiga ah ee Cayilka ayaa ku guubaabinaya dowladaha caalamka in wax ka qabataan cayilka ku sii badanaya caalamka sababtoo ahwaxay saadaaliyeen in in ka badan kala bar dadka caalamka loo tirin doono kuwo buurbuuran sanadka marka uu gaaro 2035.

Warbixn cusub oo la soo saaray ayaa sheegtay in in ka badan afar bilyan oo qof ay arrintani saameyn doontowaxaana u badan doona dadka buran carruurta.

Dalalka badankoodu way la kumi doonaan kororkaas cayilka waxayna u badan yihiin dalalka daqligoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka yahay ee ku yaalla Afrika iyo Aasiya .

Sababaha loo tirnayo arrintaa waxaa ku jira hannaanka cuntada siiba cuntada laga soo shaqeeye oo kuso badanaysa , fadhiga badan, haannaka la socodka cuntada iyo suuqgeyntaiyo adeegyada caafimaadka ee gacanta ka geysanayana cayil dhimista oo aan jirin ama ku yar iyo aqonta caafimaadka oo yar.

Xiriirka ayaa sheegay in qarashka dhaqaalaha ee arrimaha cayilka ku baxaya ay gaari doonaan 4 trilyan oo Doollar sanadkiba marka la gaaro 2035 ta