Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali, iyo guddoomiyaha degmada Galkacyo Xassan Jaamac Jidsan ayaa si wada jir ah xariga uga jaray ceel biyood laga qoday deegaanka Danwadaag ee duleedka magaalada Galkacyo.
Dhismaha ceel biyoodkan ayaa waxaa maalgaliyay ururka dhalinyarada islaamka ee fadhigiisa uu yahay dalka Sacuudiga.
Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.