Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Degmada Buur Hakaba, Mudane Ibraahim Maxamed Laysaamow, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Ceel iyo Barkad Biyood oo ay hirgelisay Hey’adda Relief.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, odayaal dhaqameed, wakiillo ka socday hay’adda Relief, iyo bulshada deegaanka.
waxa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey


