Ceel riig ah oo laga hirgeliyay deegaanka Gargaara bari ee gobolka Awdal.

0
48

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda biyaha Somaliland Maxamuud jaamac Warfaa iyo wasiirka horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Somaliland Cabdi Cismaan dhagaweyne ayaa si wada jir ah xariga uga jaray ceel riig ah oo laga hirgeliyay deegaanka Gargaara bari oo ka tirsan degmada Lughaya ee gobolka Awdal.

Xarig jarka ceelkan riiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulka gobolka Awdal, waxgaradka deegaanka, maamulka degmada Lughaya iyo maamulka deegaanka Gargaara bari.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey