Cesc Fabregas Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal & Chelsea Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League.

0
92

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Cesc Fabregas ayaa aaminsan in Saxiixyada cusub ee a kooxda Arsenal ay samaysay ay kooxda ka dhigi doonaan kuwo awood badan kuna tartama horyaalka laakiin waxa uu shaki galiyay in ay chelsea muddo u baahan doonto si ay ugu tartanto horyaalka.

Gunners ayaa suuqa galisay wax ka badan 200 milyan oo euro iyaga oo kula soo wareegay Declan Rice, Kai Havertz iyo Jurrien Timber.

Mar la weydiiyay hadii kooxda waqooyiga London ka dhisan ay yihiin kuwa u tartamaya horyaalka ka dib suuqa Ay lacag badan galisay ayuu yidhi”Waxa ay mar kale u tartami doonaan horyaalka mar kale shaki la’aan”.

“Waxa aan arkaa in ay Arsenal ka awood badnaan doonto sidii sanadkii hore, waxan qabaa in ay u tartami doonaan horyaalka kuna cidhiidhin doonaan Man City.

Fabregas ayaa sidoo kale la dhacay suuqa kala iibsiga xagaaga laakiin waxa uu rumaysanyahay in ayna ku tartami doonin horyaalka.

“Waan arkaa waxa ay samaynayaan, koox aad u da’yar ah, laakiin waxa ay ku qaadan doontaa muddo sanado ah si ay ugu tartanto horyaalka”.