Chelsea & Man United Oo Ku Heshiiyay Dhibcaha Kulankii ka Dhacay Stamford Bridge

0
162

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxaha Man United & Chelsea  Stamford Bridge kulan ka tirsanaa horyaalka premier Leageu.

Kulanka ayaa ahaa mid hal dhinac ah iyada oo Man United ahayd kooxda fiican xilli ay chelsea kaliya difaac ku jirtay.

Man United ayaa ku fiicnayd dhinac walba oo ciyaarta ah hadii ay tahay kubad maamulista iyo fursadaha iyaga oo marar badan halis galinayay goolka Blues.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxood wax gool ah kala dhalin.

Waxa ay labada kooxood sii wadeen ciyaarta iyada oo United sii waday khasaarinta fursadaha xilli ay chelsea dhinaceeda u muuqatay kuwo fursado samaynaya.

Xilli ay ciyaartu u muuqatay mid bar-baro ku dhamaanaysa ayay wax walba is badaleen kadib markii ay Chelsea rikoodhe heshay.

Daqiiqadii 87-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jorginho kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Blues ku qabatay hogaanka ciyaarta.

Man United ayaa laba jibaartay weerarada ay doonayso in ay ku keento goolka bar-baraha iyaga oo goobo galiyay daafaca chelsea kuwaas oo dhamaantood difaac galay.

Daqiiqadii 90+4-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Casemiro kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay Man United ciyaarta ku soo laabatay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaartao oo ay labada kooxood ku qaybsadeen dhibcaha kulanka isla markaas ku heshiiyeen bar-baro 1/1 ah.