Chelsea Mise Arsenal; Xavi Simons Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo

0
155

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Netherlands, Xavi Simons, oo u ciyaara RB Leipzig, ayaa muujiyay diyaar u ahaanshihiisa ku biirista Chelsea, kadib markii xiriir toos ah dhexmaray wakiillada ciyaaryahanka iyo kooxda reer London.

Sida uu ku xaqiijiyay Fabrizio Romano bartiisa rasmiga ah ee X (hore Twitter), wadahadallo rasmi ah ayaa la filayaa inay bilaabmaan Talaadada si looga heshiiyo shuruudaha saxiixa iyo fursadda ay labada kooxood u leeyihiin gaadhista heshiis buuxa.

Chelsea ayaa marka hore u baahan inay fasaxdo ciyaartoy si ay boos ugu hesho saxiixa Xavi Simons, iyadoo RB Leipzig ay dalbaneyso qiyaastii €70 milyan si ay uga tanaasusho xiddigeeda.

Romano wuxuu sidoo kale sheegay in Arsenal wali xiisaynayso laacibkan 21 jirka ah, balse mudnaanta kooxda Mikel Arteta haatan waxay saaran tahay saxiixa weeraryahanka Viktor Gyökeres iyo sidii loo diyaarin lahaa bixitaanka ciyaartoyda kale.

Xavi Simons ayaa si weyn loo amaanay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxaana la filayaa in xagaagan uu ka mid noqdo magacyada waaweyn ee suuqa kala iibsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here