Chelsea oo 48 saacadood gudaheeda Ku Dhawaaqi Doonto Tabarahooda Cusub

0
358

Baladweyne(Radio Beerlula)- Frank Lampard ayaa loo magacaabi doonaa tababaraha kooxda Chelsea isbuucaan sida ay sheegayaan warar ka soo baxaya Ingariiska.

Idaacada Ingariiska ee talkSPORT ayaa sheegtay in Lampard si rasmi ah loogu dhawaaqi doono inuu yahay tababaraha cusub ee Chelsea 48 saacadood gudaheed.

Halyeeyga Chelsea ayaa bedeli doona Maurizio Sarri waxaana uu hore uga soo kaxeysan doonaa kooxdiisa haatan ee Derby County caawiyihiisa Jody Morris oo isna Chelsea ka tirsanaan jiray.

Lampard ayaa ah xiddiga abid ugu goolasha badan Chelsea isagoo dhaliyay 211 gool 648 kulan uu saftay,

Chelsea ayaan awood u yeelan doonin inay ciyaartoy la soo wareegto xagaagan ka dib markii ganaax laga saaray labo suuq kala iibsi markii ay ku xadugeen sharciga la wareegista ciyaartoyda ajnabiga ee da’dooda ka yar tahay 18 sanno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here