Chelsea oo bar-tilmaameedsanaysa saxiixa daafac si weyn ay u doonayaan dhammaan kooxaha Yurub

0
187

Baladweyne (Radio Beerlula)-Shabakada Sky Sports ayaa shaacisay in Chelsea ay bar-tilmaameedka koowaad ee suuqa kala iibsiga ka dhigatay daafaca reer Spain iyo kooxda Seville ee Jules Koundé.

Shabakadda ayaa tilmaamtay in kooxda Chelsea ay weli tahay musharaxa ugu cad cad ee ku guuleysan kara adeega daafaca caanka ah ee reer France inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, inkastoo Barcelona ay xiiseyneyso saxiixiisa.

Chelsea ayaa xagaagii hore ku dhawaatay inay la soo wareegto Koundé, laakiin maamulka Sevilla ayaa go’aansaday in muddo dheer ay sii heystaan daafacan reer France.

Shabakadda ayaa tilmaamtay in Chelsea ay dooneyso inay lasoo saxiixato daafac heer sarre ah kaddib bixitaankii Antonio Rüdiger oo si rasmi ah ugu biiray naadiga reer Spain ee Real Madrid.

Saxafiga looga haray arimaha dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Fabrizio Romano, , ayaa sharaxay in Barcelona ay xiiseyneyso fikrada ay kula saxiixaneyso Jules Koundé, balse uma badna inay taasi dhacdo sababa la xiriira xaallada dhaqaala xumi ee kooxda heysata, sidaas darteed waxay arrintan wadada u fureysaa inuu heshiis la galo Chelsea.

Waxaa xusid mudan in Koundé qandaraaska uu kula jiro Seville uu dhacayo xagaaga 2024, wuxuuna kala qeyb galay kooxdiisa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 44 kulan, wuxuuna ku guuleystay inuu dhaliyo 3 gool, wuxuuna caawiyay 3 gool kale