Chelsea Oo Dhammaysay Saxeexii Koowaad Ee Mauricio Pochettino

0
129

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda ree London ee Chelsea ayaa u muuqata mid dhammaysay ciyaaryahanka saxeexa koowaad u noqonaya tababaraha cusub ee kooxdeeda ee Mauricio Pochettino.

Saxeexa ay Chelsea dhammaysay ayaa ah khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ee Manuel Ugarte kaas oo ay maalmihii ugu dambeeyay si adag uga shaqaynayeen.

Image

Ugarte ayay Chelsea saxeexiisa kula tartamaysay kooxda French-ka ah ee Paris Saint-Germain oo xataa mushahar ka badan midkooda usoo bandhigtay.

Ciyaaryahanka oo u muuqday mid doorbidaya horyaalka Premier League ayaa aqbalay dalabkii Chelsea heshiiskiisa ayaana dhammaystiran sida uu sheegayo wargeyska Record oo fadhigiisu yahay magaalada Lisbon.

Chelsea iyo PSG ayaa labaduba diyaar u ahaa bixinta 52-ka Milyan ee pound ee heshiiskiisa Sporting lagu jabin karo taas oo keentay in waxkasta ku xidhnaadaan doorashadiisa.

Dhinaciisa saxafi Fabrizio Romano ayaa sheegay in aan saxeexa wali waxkasta la dhammayn balse ay Blues kalsooni weyn ku qabaan.