Chelsea oo dooneysa inay lasoo saxiixato weeraryahan ka tirsan Barcelona

0
165

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wargeyska reer Catalonia ee Sport, ayaa shaaca ka qaaday xiisaha ay Chelsea u qabto saxiixa weeraryahanka Barcelona ee Memphis Depay, kaasoo dhawaanahan mustaqbalkiisa ay ku hareereysan yihiin hubanti la’aan.

Memphis Depay ayaa maamulka Barcelona ka codsaday inay joojiyaan qandaraaskiisa si uu heshiis xor ah uga tago kooxda, waxayna tani ka caawin doontaa inuu dalabka ugu fiican ka helo kooxaha waaweyn.

Laakiin kooxda reer Catalonia ayaa dooneysa inay iibiso ciyaaryahanka si ay uga faa’iideysato dhaqaale ahaan bixitaankiisa.

Depay ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxo dhowr ah sida Juventus, Borussia Dortmund iyo Arsenal, laakiin ma jirto koox soo bandhigtay dalab dhab ah ilaa hadda.

Naast Frenkie de Jong ook Memphis Depay op radar Chelsea' - FCUpdate.nl

Wargeyska waxa uu warbixintiisa ku sheegay in Timo Werner uu u sharaxan yahay inuu ka tago Chelsea oo uu dib ugu laabto Leipzig, taasoo keentay in kooxda reer London ay ka fikirto inay heshiis la gasho Memphis Depay, gaar ahaan maadaama tababare Thomas Tuchel uu sidoo kale lumiyay adeega Romelu Lukaku.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Depay uu noqday ciyaaryahankii labaad ee ka tirsan Barcelona ee gala ajandaha Chelsea, waxaa sidoo kale jira wada xaajood u dhexeeya labada kooxood oo ku saabsan xiddiga kale ee reer Holland, Frenkie de Jong.