Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge guul kaga gaartay kooxda Fulham

0
522

Baladweyne (Radio Beerlula)-Chelsea ayaa si xasilooni leh garoonkeeda Stamford Bridge guul kaga gaartay kooxda Fulham, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 10-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Kai Havertz, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mason Mount.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

49 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Kai Havertz oo caawin ka helay saaxiibkiis Timo Werner ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Fulham oo ku soo booqatay garoonka Stamford Bridge, Blues ayaa haatan fadhisa kaalinta afaraad waxayna leedahay 63 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here