Chelsea Oo Heysata Fursad Dahabi Ah Oo Ay Ku Heli Karto Dheymanka Aan Daalin Ee Man City.

0
69

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Iyada oo wax ka badan hal bil ay ka harsan tahay suuqa kala iibsiga xagaaga, mustaqbalka Julian Alvarez ee Man City ayaa weli ah mid aan la hubin iyadoo kooxda heysata horyaalka Premier League ay magacaawday qiimaha ay ku iibinayso ku guuleystaha Koobka Adduunka.

Man City waxay dooneysaa ugu yaraan 40 milyan oo ginni ah si ay u fasaxdo 24 jirkaan.

Chelsea, PSG, iyo Atletico Madrid ayaa la rumeysan yahay inay ka mid yihiin kooxaha xiiseynaya saxiixa Alvarez, laakiin kooxaha kale ee ugu sareeya Yurub ayaa laga yaabaa inay si dhow ula socdaan xaalada ciyaaryahanka ee Etihad.

Kooxda La Liga ayaa ah kooxda sida weyn u xiisaynaysa weeraryahanka maadaama ay Alvarez u aqoonsadeen dookhooda kowaad ee ay ku badali karaan Álvaro Morata ka dib markii kabtankii Spain uu ka tagay Madrid kuna biiray AC Milan.

Chelsea ayaa sidoo kale suuqa ugu jirta sidii ay ku heli lahayd weeraryahan , xiddiga Man City ayaa dookh fiican u ah Blues maadama uu yahay mid wax ku ool ah sidoo kalena ku haboon da’da lagu aruurinayo 

Kooxda ka dhisan London wax dhib ah kuma aha inay miiska saarto qiimaha ay City ku doonayso ee 40ka milyan, loomana baahna inay gorgortan sameyso marka la eego tayada ciyaaryahanka, boosaska uu ka ciyaaro iyo muhiimada uu u lahaa kooxda heysata horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Alvarez waxa uu u ahaa ciyaaryahan weyn Pep Guardiola ololihii hore iyadoo weeraryahanka uu kasoo muuqday 54 kulan , isagoo ka qeyb qaatay 19 gool iyo 13 caawin ah guulaha City oo dhan xilli ciyaareedka.

Alvarez waxa uu hadda joogaa ciyaaraha Olombikada ee ka socda magaalada Paris oo uu kula tartamayo xulka Argentina.

24 jirkan ayaa qirtay in uu ka fikiri doono mustaqbalkiisa marka ay ciyaaruhu dhamaadaan lana arki doono waxa uu go’aansado.

Waxay dharbaaxo ku noqon doontaa Man City inay lumiso Alvarez xagaagan iyadoo xiddiga Argentina uu qarka u saaran yahay inuu noqdo ciyaaryahan muhiim u ah mustaqbalka kooxda heysata horyaalka Premier League, si kastaba ha ahaatee, xaaladaan ayaa keeni karta inay Chelsea guul weyn gaarto iyadoo Blues ay heli karto ciyaaryahan tayo sare leh.