Chelsea Oo Isaga Hadhaysa Xiisaha Ay U Qabto Eden Hazard Iyo Antonio Rudiger Oo Sabab U Ah.

0
426

Baladweyne(Radio Beerlula)-Kooxda chelsea ayaa lau soo waramayaa in ay ka xanaaqday baacsiga ay Real Madrid ugu jirto daafaca dhexe ee Antonio Rudiger sidaas darteed Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay joojisay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga Eden Hazard.

Inkasta oo uuna wali dhicin heshiiskii uu kula jiray chelsea, hadana Los Blancos ayaa haatanba bilowday wadahadalo ay ku doonayso xiddiga reer Germany.

Xilli ay chelsea ku dhibaatoonayso in ay heshiis la gaadho xiddiga Real Madrid ayaa ah dookha xiddiga 28 jirka ah.

Sida laga soo xigtay wargayska El Nacional, Blues ayaa joojisay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga Eden hazard sabab la xidhiidha isku dayada Ay Real Madrid ku doonayso saxiixa xiddiga Rudiger.

Wararka ayaa sheegaya in ay chelsea doonaysay saxiixa Hazard laakiin ay haatan ka noqotay rabitaankii ay u qabtay saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here