Chelsea Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Ay Ka Dhigtay Champions League 9 Sano Ka Hor Kulanka Caawa.

0
42

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda RB Salzburg kulan ka tirsan wareegii 4-aad ee tartanka champions league wareega Group-yada.

Blues ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay xaqiiqsadaan wareega 16-ka ee tartanka champions League iyaga oo u baahan in ay guul ka gaadhaan kooxda reer Austria.

Chelsea ayaa badisay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee wareega Group-yada tartanka champions League iyaga oo garaacay kooxda Ac Milan Kagana badiyay 3/0 iyo 2/0.

Kooxda Potter ayaan muddo 9 sano ah tartanka champons League ku badin 3 kulan oo xidhiidh ah laba gool iyo wax ka badan.

Hadii ay chelsea caawa ku badiso 2 gool iyo wax ka badan waxa ay noqon doontaa markii ugu horaysay ee ay 2 gool iyo wax ka badan ka dhaliso champions League tan ilaa October iyo November 2013 markaas oo uu kooxda hogaaminayay Jose Mourinho.