Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Chelsea ayaa la rumeysan yahay in aysan qorsheyneyn inay dib u soo ceshato khadka dhexe ee Kevin De Bruyne, inkasta oo tababaraha cusub Enzo Maresca uu dhawaan sheegay inuu doonayo in khibrad dheeraad ah lagu soo daro kooxda xagaagan.
Kevin De Bruyne, oo 33 jir ah, ayaa la filayaa inuu ka tago Manchester City dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii kooxda aysan u soo bandhigin heshiis cusub. De Bruyne, oo horey uga tirsanaa Chelsea intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2014, ayaa sheegay inuu la yaabay go’aanka City, isagoo xusay in wadahadalkii kooxdu uula yeeshay uu ahaa mid gaaban oo ganacsi ah.
Inkasta oo uu da’ yahay, De Bruyne wuxuu sheegay inuu weli ka ciyaari karo heerka sare ah, uuna diyaar u yahay inuu sii joogo horyaalka Premier League ama uu u wareego koox kale oo Yurub ah.