Chelsea oo ku dhawaaqday inuu ka tagayo Petr Čech

0
188

Baladweyne (Radio Beerlula)-Chelsea ayaa maanta oo isniin ah ku dhawaaqday in Petr Čech la taliyaha dhanka farsamada ee kooxdeeda uu ka tagi doono booskiisa, laga bilaabo 30-ka June.

Maamulka kooxda Blues ayaa war rasmi ah ay soo saareen waxay ku xaqiijiyeen bixitaanka Petr Čech wuxuuna u qornaa sida tan:

“Tan iyo markii la magacaabay 3 sano kahor, Čech waxa uu bixiyay talooyin iyo tilmaamo ku saabsan dhammaan arrimaha kubbadda cagta iyo kooxda oo dhan, isagoo xoojinaya xiriirka ka dhexeeya kooxaha ragga iyo akadeemiyada.”

Dhankiisa halyeeyga kooxda Chelsea ee Petr Čech ayaa wuxuu yiri:

“Waan ku faanayaa in aan doorkan kaga ciyaaray gudaha Chelsea sannadihii la soo dhaafay, laakiin waxaan dareemayaa in la joogo waqtigii saxda ahaa ee aan ka tagi lahaa mulkiilaha cusub.”

“Waan ku faraxsanahay in Chelsea ay haatan meel fiican ka joogto milkiilayaasha cusub, waxaana ku kalsoonahay guulihiisa mustaqbalka ee gudaha iyo dibadaba.”

Ugu dambeyntii mulkiilaha kooxda Chelsea ee Todd Boehly ayaa wuxuu ku sagootiyay Petr Čech ereyo cajiib ah, wuxuuna yiri:

“Peter Cech waa xubin muhiim ah oo ka tirsan qoyska Chelsea.”

“Waan fahansanahay go’aankiisa ah inuu ka tago, waxaana uga mahadcelineynaa wax qabadkiisa lataliye ahaan iyo sida uu daacad ugu ahaa kooxda, waxaan u rajeyneynaa wanaag oo dhan.”