Chelsea Oo Liverpool & Arsenal Ku Qabsatay Saxeexa Xiddiga Lagu Naanayso ‘Baby Kaka’

0
112

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa Liverpool iyo Newcastle United kula soo biirtay tartanka ay kula jireen Arsenal oo ay isku haystaan xiddiga lagu naanayso ‘Baby Kaka’ oo mid walba ay dhinaciisa u doonayso inay ula saxeexato.

Blues oo la filayo inay iibiso weeraryahanka reer Germany ee Kai Havertz, ayaa waxa ay doonaysaa in ay la saxeexato beddelkiisa oo ay u aragto laacibka lagu naanayso ‘Baby Kaka’ oo lagu sheegay inay astaamo badan ka midaysan yihiin xiddigii Brazil ee Ricardo Kaka.

Khadka dhexe ee weerarka raacsan ee Gabri Veiga oo u ciyaara kooxda Celta Vigo ee waddanka Spain, ayaa waxa hore xiisaha ay u qabaan u caddeeyey Liverpool, Arsenal iyo Newcastle, hase yeeshee waxa hadda kula soo biirtay Chelsea.

Xilli-ciyaareedkii tegay oo uu 36 kulan oo horyaalka LaLiga ah u saftay Celta Vigo oo uu dhaliyey 11 gool, ayaa waxa uu kasbaday in la barbar-dhigo Ricardo Kaka, waxaanay taageereyaasha kooxdiisu ugu yeedhi jireen ‘Baby Kaka’.

Heshiiska uu kubbad-sameeyahani kula jiro Celta Vigo ayaa lagu burburin karayaa £35 milyan oo Gini, waxaase ay Blues la degi karaya qorshaha Todd Boehly oo ah in lacagtaas ay marar kala duwan bixiyaan.