Chelsea Oo Naxdin Kusoo Dhawaysay Pochettino

0
91

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Waxa war aan wanaagsanayn helaya tababaraha dhawaan kusoo wajahan kooxda Chelsea ee Mauricio Pochettino kaddib dhaawaca mudada dheer garoomada seejinaya ee gaadhay daafaca dhexe ee Benoit Badiashile.

Badiashile ayaa ahaa mid kamida shumacyada kooban ee Chelsea ka ifayay tan iyo markii uu dhinaca kooxda French-ka ah ee AS Monaco kaga yimid suuqii qaboobaha ee January.

 

Benoit ayaa laga reebay safka Chelsea ee kulankii ay shalay guuldarrada kala kulmeen Man City wuxuuna u muuqdaa mid dhaawac gumaarka ka gaadhay mudo garoomada kaga maqnaan doona.

Sida lagu sheegay wargeyska Evening Standard, Badiashile ayaa mudo afar bilood ah ka maqnaan kara Chelsea waxaana macquul ah inuu qaliin maro.

Warkan ayaa dhiilo u ah Pochettino oo Badiashile kamid yahay xiddigaha uu ku xisaabtamayay xilli ciyaareedka dambe ee 2023-24.

Dhaawacan ayaa farxad iyo fursad u noqonaya Levi Colwill, da’yarka daafaca dhexe ee Chelsea ee xilli ciyaareedkan amaahda ugu maqan kooxda wacdaraha dhigaysa ee Brighon.

Labada ciyaaryahan ayaa marka horeba cidhiidhi isku ahaa maadaama oo ay isku door yihiin oo daafaca dhexe ee lugta bidix ku ciyaara yihiin labaduba.

Chelsea oo wakhti adag qaadanaysa ayaa booska 12-aad kaga jirta kala sarreynta Premier League iyadoo laba kulan oo adagi ugu hadheen kooxaha 3-aad iyo 4-aad ee Newcastle United iyo Man United.