Chelsea oo saddexda dhibcood ka soo heshay Crystal Palace oo ay booqatay

0
192

Baladweyne (Radio Beerlula)Chelsea ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Crystal Palace oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood Crystal Palace iyo Chelsea ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 7-aad Crystal Palace ayaa durba la wareegtay hoggaanka ciyaarta iyada oo 1-0 uu ka dhigay Odsonne Édouard, waxana caawinta goolkan lahaa Jordan Ayew.

Aubameyang oo ay caawin kaga timid Thiago Silva, ayaa 38 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd wuxuu ka dhigay barbardhac 1-1 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-2 ka dhigay xiddigooda Conor Gallagher, kaddib markii uu ka caawiyay Pulisic.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Chelsea, kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Selhurst Park.