Chelsea oo si weyn kula tartami doonta Man United saxiixa Frenkie de Jong

0
184

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay ku rajo weyn tahay inay Manchester United ku garaacdo saxiixa khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong xagaagan.

Blues ayaa diyaar la ah qiimaha ay United ku heshiiyeen oo ah 71 milyan ginni oo ay kula soo wareegayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Holland, waxaana ay De Jong u soo bandhigi kartaa inuu sii wato tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

Maamule Erik ten Hag ayaa tan iyo imaantankiisii doonayay inuu la saxiixdo De Jong laakiin Hollandeska ayaa ka caga jiidaya in uu u dhaqaaqo Old Trafford kana ciyaaro Europa League.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa hadda wadahadalo kula jirta kooxda Catalan waxayna rajo ka qabaan inay awoodaan inay heshiis la gaaraan 25 jirkaan, sida laga soo xigtay The Athletic.

Inkasta oo ay xiisaynayso Chelsea, haddana de Jong ayaa weli ugu sarreeya liiska suuqa kala iibsiga ee United, iyadoo tababaraha cusub ee Ten Hag uu jeclaan lahaa inuu dib ula midoobo ciyaaryahankiisii ​​hore ee khadka dhexe ee Ajax.

Kooxda reer Spain ayaa si cad  daaha uga qaaday rabitaankeeda ah inay iska iibiso de Jong si ay uga caawiso inay diwaan geliyaan saxiixyada cusub ee xagaaga Robert Lewandowski, Raphinha, Franck Kessie, Andreas Christensen, iyo Jules Kounde.

Si sax ah, de Jong wuxuu rabaa in la siiyo daynta uu kuleeyahay barca,  laakiin kooxda reer catalan Ayaa jeclaan lahayd inay sii haysato daynta, laakiin ogow taasi waa xaalad aan macquul ahayn, sidaa darteed madaxweyne Joan Laporta ayaa soo jeediyay de Jong waa inuu dhimaa mushaaarka weyn haddii uu runtii doonayo inuu sii joogo.