Chelsea oo sugaysa in Lukaku uu u dhaqaaqo Inter si ay u bartilmaameedsato xiddig ka tirsan Man City

0
164

Baladweyne(Radio Beerlula)-Wargayska The Mirror ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in Chelsea ay doonayso in ay la soo wareegto xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka England iyo kooxda Man City ee Raheem Sterling, haddii ay dhacdo in Romelu Lukaku uu u dhaqaaqo Inter.

Thomas Tuchel ayaa isha ku haya in uu ku soo kordhiyo dookhyo badan oo la jaan qaadi kara qaab ciyaareedkiisa kooxda reer London, Sterling ayaana ah dookh rajo u leh tababaraha Jarmalka ah ee ka aramiya garoonka Stamford Bridge.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa xaqiijisay in Chelsea aysan bartilmaameedsan doonin 27-sano jirkaan, kaasoo aan u cusbooneysiin qandaraaskiisa kooxda Man City, ilaa lagu guuleysto in Romelu Lukaku uu dib ugu laabto Inter.

Lukaku ayaa wadahadalo la yeeshay milkiilayaasha cusub kooxda iyo tababare Thomas Tuchel, waxayna Blues ogolaatay in haddii uu Romelu Lukaku ku baxayo heshiis amaaah ah, taasoo noqon doonto xal lagu qanci karo dhammaan dhinacyada.

Chelsea to make Raheem Sterling transfer bid on one condition with Thomas  Tuchel 'big fan' | Football | Sport | Express.co.uk

Chelsea ayaa dooneysa inay Lukaku amaah ugu dirto Inter isla markaan ay ku hesho ku dhawaad ​​20 million pounds, laakiin kooxda reer Talyaani ayaa dooneysa inay bixiso wax ka yar lacagtaas, laakiin Lukaku ayaa doonaya inuu si weyn u dhimo mushaarkiisa si loo dhammeystiro heshiiska.

Haddii Lukaku uu ku laabto Italy, Chelsea ayaa diirada saari doonta saxiixa Sterling, kaasoo 47 kulan tartamada oo dhan u ciyaaray Man City xilli ciyaareedkii hore, islamarkaana u dhaliyay 17 gool, laakiin mar walba ma aheyn dooqa koowaad ee tababare Pep Guardiola.

Waxaa xusid mudan in Sterling qandaraaskiisa Etihad Stadium uu dhacayo June 2023, taasoo la micno ah in Manchester City ay soo dhaweyn doonto fikradda ah inay iska iibiso xagaagan ka hor inta aysan si bilaash ah ku waayin haddii uu ku sii socdo ilaa xagaaga soo aadan.