Chelsea Oo Tallaabo Cajiib Ah Oo Taariikhi Ah Ku Soo Dhawaynaysa Bisha Barakaysan Ee Ramadan.

0
104

Kooxda reer England ee Chelsea ayaa ku dhawaaqday hindise cajiib ah oo la filayo bisha barakeysan ee Ramadaan, maadaama ay go’aansatay garoonka Stamford Bridge ku afursiiso dadka sooman.

Chelsea FC ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku tiri: “Axada 26-ka bisha March waxa aan marti galin doonaa kumaan qof oo sooman kuwaas oo ku afuri doona garoonka Stamford Bridge”.

“Munaasibadani waxa ay ku beegan tahay bisha Ramadaan dhexdeeda oo ah bisha Islaamka ee la soomo, laga bilaabo waaberiga ka hor ilaa qorrax dhaca, taas oo ka bilaabmaysa Arbacada 22 March ilaa Jimcaha 21 April”.

“Waxa uu noqon doonaa isku imaatinkii ugu weynaa ee ka dhacay UK taariikhda iyada oo dhamaan Muslimiinta ku nool dalka ay u furantahay in ay yimaadaan si ay uga qayb qaataan afurka bisha Ramadaan”.

“Sidoo kale waxa lagu casuumi doonaa culimada muslimka ugu waaweyn ee dalka UK si ay halkaas ugala qayb qaataan afurka bisha Ramadaan”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay arintan noqon doonto markii ugu horaysya ee ay samayso koox ka tirsan premier League taariikhda kubada cagta England.