Chelsea oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Enzo Fernandez Laakiin Hal Dhib Ayaa Jirta.

0
104

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda chelsea ayaa tallaabo u qaaday saxiixa xiddiga Enzo Fernandez ka dib markii ay heshiis shaqsi ah la gaartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Benfica, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Argentina.

Chelsea ayaa doonaysa in ay xoojiso khadka dhexe suuqa Januar waxana ay xiddiga koobka adduunka kula guulaystay Argentina u calaamadsatay bartilmaameedkooda 1-aad.

Enzo Fernandez oo 21 jir ah ayaa xagaagii hore ku biiray Benfica waxana heshiiskiisa lagu bur-burin karaa lacag dhan 120 milyan oo euro.

Blues ayaa haatan wadahadalo kula jirta kooxda Benfica iyaga oo doonaya in ay kala heshiiyaan qiimaha xiddiga khadka dhexe ku fiican.

Kooxda Graham Potter ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Enzo Fernandez kaas oo ogolaaday in uu ku biiro kooxda ka dhisan woqooyiga London.

Si kasta haatee sida laga soo xigtay TyC Sport, chelsea ayaa ku dhibaatoonaysa in ay Benfica kala heshiiso qiimaha xiddiga iyada oo kooxda reer Portugal doonayso lacagta oo dhamaystiran