Chelsea oo wadahadalo adag kula jirta xiddig reer Argentina ah

0
106

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Chelsea ay dhab ka tahay inay dib u habeyn ku sameyso khadkeeda dhexe iyadoo dooneysa inay la saxiixato xiddiga reer Argantina iyo kooxda Benfica ee Enzo Fernández, kaasoo sidoo kale ay xiiseynayaan adeegiisa kooxaha Liverpool iyo Manchester United.

Xiisaha tababare Graham Potter ee ah in Enzo Fernández lagu daro kooxda Blues ayaa la xaqiijiyay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana la rumeysan yahay in kooxda reer England ay ku dhowdahay inay hesho saxiixa ciyaaryahanka.

Wariye Pete O’Rourke ayaa sheegay in Chelsea ay wadahadalo la furtay Benfica si ay u hesho saxiixa Enzo Fernández, iyada oo kooxda reer Portugal ay weydiistay 106 milyan ginni, taasoo ah qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Suxufiga Fabrizio Romano ayaa sidoo kale sheegay in Enzo Fernández uu mar hore ogolaaday ku biirista kooxda Chelsea taas oo dhabarjab ku ah Liverpool iyo United oo aan wax dalab ah ka soo gudbin.