Chelsea oo xiiseyneysa xiddig ka tirsan Man City, mana ahan Raheem Sterling

0
176

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel, ayaa doonaya inuu xoojiyo safkiisa daafaca si uu ugu diyaar garoobo xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska Ingiriiska ee Daily Mail, maamulka Blues ayaa xiiseynaya qandaraaska daafaca Manchester City Nathan Aké.

Warbixinta ayaa xaqiijisay in milkiilaha cusub ee kooxda Chelsea, Todd Boehly, uu la xiriiray maamulka Man City si uu wax uga weydiiyo Nathan Aké iyo Raheem Sterling.

Wargeyska Ingiriiska ayaa tilmaamay in Nathan Aké uu noqday xiddiga ugu sarreeya liiska heshiiyada ay baritilmaameedka ka dhiganeyso Chelsea ee dhanka difaaca

Warbixinta ayaa xaqiijisay in Tuchel uu xiiseynayay Akie markii uu macalin u ahaa Borussia Dortmund, xiddiga reer Holland ayaa badel u noqon kara bixitaankii Antonio Rudiger oo ku biiray Real Madrid, isaga oo ka ciyaari kara boosas kala duwan oo garoonka dhexdiisa ah.

 

Nathan Aké oo muddo 7 sano ah u soo ciyaarayay Chelsea isaga oo da’ayar ah, ayaa u furan fikradda ah inuu ku laabto Blues ka dib markii uu ku guuldareystay inuu boos muhiim ah ka helo kooxda Man City.

Nathan Aké waxa uu Man City kaga soo biiray Bournemouth sanadkii 2020, tan iyo markaas wuxuu kooxda u ciyaray 40 kulan oo kaliya tartamada oo dhan.